Malleeshiyada Al-shabaab oo jab xooggan loogu gaystay deengaanka Shabeellow ee Mudug.

Date:

Wararkii u dambeeyay oo aan ka helayno dad ku sugan deegaanka Shabeellow ayaa sheegaya in jab xooggan loogu geystay kooxdii Argagixisada Al-Shabaab ee dadka shacabka ku xasuuqay deegaankaasi, waxaana haatan howlgalka si toos ugu biiray cutubyo ka tirsan  Ururka lixaad guutada 1-6aad ee ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga ceyriyay deegaanka Shabeellow oo qiyaastii 20-km u jirta deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa inay galeen dhufeyso ay ka sameysteen deegaanno u dhaxeeya Shabeellow iyo Caad ee Gobolka Mudug, waxaana dadka deegaanka oo kaashanaya ciidanka Danab ay wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan Nabadgelyada deegaanka.

Aroornimadii hore ee saaka ayay ahayd markii argagixisada Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo kusugan deegaanka Shabeellow, kuwaasi oo doonayay inay ka qaataan lacago iyo xoolo baad ah, balse ay ka biyo diideen dadkii dagaanka, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana argagixisada Al-Shabaab loogu geystay qasaare fara badan, lagana ceyriyay deegaanka Shabeellow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...