Wajiga labaad ee shirka wada-tashiga ka qeyb qaadashada isbeddelka Cimillada oo ka furmay Muqdisho+Sawirro.

Date:

Wajiaga labaad ee shirka wadatashiga ka qeyb-qaadashada isbeddelka cimillada ee heer Qaran ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay guddiga isbeddelka cimilada Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka ayaa waxaa ka qeyb-galaya wasaaraddaha bay’adda ee Dowlad Goboleedyada Dalka qaar ka mid ah iyo hay’addaha Dowladda dhexe isagoo socon doono muddo labo maalmood ah.

Sida qorshahu yahay waxaa la uruurinayaa  dhammaan xogaha isbedelka cimilada ee heer qaran si loo horgeeyo sanadkaan dhamaadkiisa hay’adda qaramada midoobay u qabilsan isbedelka cimilada ee dunida Soomaaliyane ay ka tirsan sida uu sheegay agaasimaha guud ee agaasinka isbedelka cilimadda Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka Mudane, Axmed Yuusuf Axmed.

Sidoo kale waxyaabaha  lagu gorfeynayo waxaa ka mid abaaraha  iyo fataahaddaha soo laabatay ,ka faa’iideysiga Xoolaha, beeraha, biyaha wax soo saarka shidaalka, wasaqowga hada  iyo guud ahaan  Cimilada dalka waxaana xubaha matalayay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay soo dhaweeyay muhiimada shirkaan uu leeyahay.

Wajiga kuwaad shirkaan isbedelka cimilada waxa uu ka dhacay bilaawga sanadkaan magaalada Garoowe ee xarunta Punland hase ahaatee xafiiska isbedelka cimilada waxa uu sheegay in illaa iyo sedex shirkale laga qaban doonaan dhammaan waxyaabaha kasoo baxo la geyndoono shirka guud ee Qm ee la filayo inuu dhaco bisha 12 Decembar ee 2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...