Wajiga labaad ee shirka wada-tashiga ka qeyb qaadashada isbeddelka Cimillada oo ka furmay Muqdisho+Sawirro.

Date:

Wajiaga labaad ee shirka wadatashiga ka qeyb-qaadashada isbeddelka cimillada ee heer Qaran ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay guddiga isbeddelka cimilada Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka ayaa waxaa ka qeyb-galaya wasaaraddaha bay’adda ee Dowlad Goboleedyada Dalka qaar ka mid ah iyo hay’addaha Dowladda dhexe isagoo socon doono muddo labo maalmood ah.

Sida qorshahu yahay waxaa la uruurinayaa  dhammaan xogaha isbedelka cimilada ee heer qaran si loo horgeeyo sanadkaan dhamaadkiisa hay’adda qaramada midoobay u qabilsan isbedelka cimilada ee dunida Soomaaliyane ay ka tirsan sida uu sheegay agaasimaha guud ee agaasinka isbedelka cilimadda Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka Mudane, Axmed Yuusuf Axmed.

Sidoo kale waxyaabaha  lagu gorfeynayo waxaa ka mid abaaraha  iyo fataahaddaha soo laabatay ,ka faa’iideysiga Xoolaha, beeraha, biyaha wax soo saarka shidaalka, wasaqowga hada  iyo guud ahaan  Cimilada dalka waxaana xubaha matalayay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay soo dhaweeyay muhiimada shirkaan uu leeyahay.

Wajiga kuwaad shirkaan isbedelka cimilada waxa uu ka dhacay bilaawga sanadkaan magaalada Garoowe ee xarunta Punland hase ahaatee xafiiska isbedelka cimilada waxa uu sheegay in illaa iyo sedex shirkale laga qaban doonaan dhammaan waxyaabaha kasoo baxo la geyndoono shirka guud ee Qm ee la filayo inuu dhaco bisha 12 Decembar ee 2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...