Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay hoolka sahal ee magaalada Muqdisho ayaa Maamulka Gobolka Banaadir Lagu wareejiyay waxbarashada Caasimadda.
Munaasabadaasi waxaa ka qeyb-galay sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka ahna sii hayaha Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar-Filish) sii hayaha wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya wasaaradda waxbarashada ayaa 19-kii bishii aan soo dhaafnay qaaday imtixaanka dugsiyada sare ee Gobolka Banaadir.