Duqa Miqdisho oo dhagax dhigay xaruun lagula tacaalayo fatahaadaha ka dhasha roobabka.[Sawirro]

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta dhagax dhigay goob loogu talogalay in laga dhigo Biya-qabad laguna maareyn doono biyaha roobka, taasi oo laga hirgalin doonaa wadada horumarta dugsiga tababarka General kaahiye iyo inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan,

Dhagax dhiga guddoomiyaha gobolka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ,Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Jakeeti iyo guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdikariin Maxamuud Gabeyre.

Mashruucaan biyo mareenka ayaa waxaa loo dhisayaa si casri ah,iydoo loo sameynayo tobooyin biyaha geynayay Badda maadaama ay muddooyinka halkaasi ay noqotay goob biyo fariisin ah xilliyada roobka, isla markaana ay tahay marin muhiim u ah bulshada degmada Xamar jajab iyo sidoo kale garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in halkaan laga sameynayo maraag iyo ama biyo qabad taasi oo loo dhisayo mid biyaha u gudbineyso badda waxaana sidoo kale ganac ka geysanayo rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

“Dhawaan waxaan daah-furi doonaan barnaamijka isku tashi ee guud ahaan caasimada laga dhaqan galinayo sida dib-u-dhiska wadooyinka ,Waxbarashada iyo caafimaadka waana barnaamijka kaabaya waxyaabaha aas aasiga u ah bulshada Caasimada ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye (Cumar Filish).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...