Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay magaalada Istanbul.”Sawirro”

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wafdiga madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ee uu hoggaaminayay Danjire Jaamac Cabdullaahi Ceydiid iyo ku xigeenkiisa .

Sidoo kale dadka soo dhaweeyay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Sheikh Maxamed, qaar ka mid ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka Turkiga.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) waxaan safarka ku wehlinayo guddoomiyaha guddiga la socodka iyo hirgalinta dib u-eegista dastuurka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) maareeyaha wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan (Bashiir Goobe) iyo xubno kale.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inta uu dalkaasi ku suganyahay uu la kulmi doono madaxada safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalooyinka kale duwan ee dalkaasi ee uu kala hadli doono xaaladda guud ee dalka gaar ahaan deegaannada Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...