Sii-hayaha xilka R/wasaaraha dalka oo khadka telefoonka ugu tacsiyadeeyay dhiggiisa Lubnaan.

Date:

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo qadka telphone-ka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan Xasan Dayib ayaa uga tacsiyadeeyay qaraxii ka dhacay caasimadda dalka Lebanon ee Beirut.

“Waxaan si aad ah uga murugeysanahay warka ku saabsan musiibada qaraxa ka dhacay Beirut Lebanon dhaliyay,waxaana Alle uga baryaynaa shacabka iyo dowladda aan saaxiibada nahay ee Lebanon in ilaahay uu u laab qaboojiyo waqtigan adag ee ay ku sugan yihiin,Somaliyana waxay garab taagantahay walaalahoodi reer Lebanon”. ayuu yir sii-hayaha xilka raiisul wasaaraha.

Qarax aad u xooggan oo ka dhashey bakhaaro lagu keydinayay Kiimiko,kaasi oo gelinkii dambe ee shalay  ka dhacay bartamaha magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon ayaa sababay khasaare naf iyo maal.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ugu yaraan 63 qof ay ku geeriyootay qaraxaasi,waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 3000 kun oo qof.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka dalkaasi Lebanon ayaa shaacisay in dad ka badan 50 ay geeriyoodeen,islamarkaana inkabadan 2700 kun ay dhaawacmeen,balse waxaa jira khasaaraha oo weli sii kordhayay dad badan ayaa la sheegaya in dhismayaasha ay ku hoos jiraan,dadna la la’yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...