Sii-hayaha xilka R/wasaaraha dalka oo khadka telefoonka ugu tacsiyadeeyay dhiggiisa Lubnaan.

Date:

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo qadka telphone-ka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan Xasan Dayib ayaa uga tacsiyadeeyay qaraxii ka dhacay caasimadda dalka Lebanon ee Beirut.

“Waxaan si aad ah uga murugeysanahay warka ku saabsan musiibada qaraxa ka dhacay Beirut Lebanon dhaliyay,waxaana Alle uga baryaynaa shacabka iyo dowladda aan saaxiibada nahay ee Lebanon in ilaahay uu u laab qaboojiyo waqtigan adag ee ay ku sugan yihiin,Somaliyana waxay garab taagantahay walaalahoodi reer Lebanon”. ayuu yir sii-hayaha xilka raiisul wasaaraha.

Qarax aad u xooggan oo ka dhashey bakhaaro lagu keydinayay Kiimiko,kaasi oo gelinkii dambe ee shalay  ka dhacay bartamaha magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon ayaa sababay khasaare naf iyo maal.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ugu yaraan 63 qof ay ku geeriyootay qaraxaasi,waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 3000 kun oo qof.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka dalkaasi Lebanon ayaa shaacisay in dad ka badan 50 ay geeriyoodeen,islamarkaana inkabadan 2700 kun ay dhaawacmeen,balse waxaa jira khasaaraha oo weli sii kordhayay dad badan ayaa la sheegaya in dhismayaasha ay ku hoos jiraan,dadna la la’yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...