Mashruuca sanduuqa horumarinta caasimadda oo ka bilowday galmudug.

Date:

Maamulka Magaalada Dhuusamareb, Ganasato, Aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Degmada Dhuusamareeb oo lagu daahfurayey mashruuca sanduuqa horumarinta ee caasimada galmudug.

Furitaankii mashruucaan oo sidoo kale ay goobjoogayaal ka ahaaayeen Wasiiro, Xildhibaano  waxaana diirada lagu saaray sidii magaalada dhusamareb loogu heli lahaa dhaqaale lagu daboolo baayiyaha jira ee ay unu ugu horeeyaan dab-damis.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda ayaa faah faahin ka mixiyey bilowga sanduuqan dhaqaala iyo sida howshan lagu jihayn karo iyadoo laga faa’iidaysanayo xoogga iyo xoolaha bulshada soomaaliyeed lana samaynayo isku tashi.

Salaad Cusmaan Rooble oo ah gudoomiyaha loo xilsaaray ka mira dhalinta mashruucaan ayaa isna warbaahinta la hadlay waxa uuna xusay inuu qof walba uu ka qeybqaato helitaanka gaadiidka gurmadka ee ka hortagga musiibooyinka sida dabdamiska.

Maamulka Magaalada Dhuusamareb ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada sida dhismaha jidadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...