Kenya oo maanta fureysa duullimaadyadii caalamiga ahaa ka dib xayiraaddii Corona virus

Date:

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Maanta oo Sabti ah dib u fureyso duullimaadyadii Caalamig ahaa ee ku xirmay xayiraadaha cudurka Corono Virus.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka Kenya, James Macharia ayaa sheegay in la oggol yahay oo keliya duullimaadyada ka imaanaya Dalalka, Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed, Japan, Canada, Zimbabwe, Itoobiya, Switzerland, Ingiriska, Qatar, France, Netherland, Rwanda, Uganda, Namibia, Morocco, Imaaraatka iyo Gobollada California, Florida iyo Texas oo ka mid ah Dalka Maraykanka.

Mr; Macharia ayaa sheegay Dadka rakaabka ah in lala socon doono xaaladdooda muddo laba Todobaad ah, iyagoo aan la karantiili doonin haddii heerkulkoodu ka hooseeyo 37.5 Digrii Celsius iyo haddii aysan lahayn astaamaha Covid-19ka.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka Kenya, James Macharia ayaa shirkadaha Diyaaradaha faray in ay Dadka siiyaan qalabka looga hortago cudurka, si aysan rakaabka Diyaaradda saran isu qaadsiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Baydhabo ka daah-furay doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Shacabka Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah...

Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa...