Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay xubno ku matalaya guddiga talo-bixinta hannaanka doorasho ee dalka

Date:

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Guddiga Farsamada ee ka shaqeyn doona hanaanka doorashooyinka xubnaha uga soo aadday maamulka Galmudug.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in xubnahaan ay ku biiri doonaan guddigii horay ay u soo magacaabeen maamulada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wareegtadaan ayaa u qorneyd sidatan:-

Markuu arkay; qodobka 50-aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Dowladda Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5-aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Galmudug waxayna kala yihiin:-

1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug.

2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somalia, Gudoomiyihii Xisbiga Wadajir, Musharax Galmudug mar isku sharaxay iyo lataliye sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxwaynaha Galmudug.

Dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada kala Puntland, Jubbaland, Hir-Shabelle, ayaa horay u soo magacaabay xubnaha ku meteli doona guddiga farsamo ee kasoo talo-bixinaya hannaanka doorashooyinka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...