Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha oo xariga ka jaray goob karaantiil oo casri ah.

Date:

Sii hayaha Raโ€™iisul Wasaaraha dalka, mudaneย Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xariga ka jaray qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir
oo loo qalabeeyay si casri ah.

Wasaaradda caafimaadka dalka iyo shirkadda Hormuud ayaa iska kaashaday dhismaha iyo qalabeynta lagu sameeyay Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo laga hirgeliyay gudaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo ka kooban afar qeybood ayaa la dhigay 300 oo sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu tala galay bukaannada xaaladoodu darantahay ee u baahan in si gaar ah looga taxadaro xaaladooda caafimaad.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo u mahad celiyay dhammaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha iyo qalabeynta ayaa hoosta ka xariiqay in hadii ay iskaashadaan dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la gaari karo guulo waaweyn.

Dib u dhiska iyo qalabeynta Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir ayaa qayb ka ah dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso hannaanka caafimaadka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...