Xarunta Daryeelka Agoonta Xudurka oo qeyb-ka noqotay dhaxalka Qaran bur burkii Dalka+Sawirro.

Date:

Xaruntaan oo burburka weyn ka muuqda waxa la dhisay 2007 waxa loogu talagalay in lagu xanaaneeyo waxna lagu baro caruurta agoonta ah waxa ay ku taalaa duleedka Magaalada xuddur waa dhismo balaaran oo ka kooban qololka jiifka, qeybaha waxbarashada, Cuntada, Musqulo, Masaajid iyo meel banaan oo loogu talagalay in caruurta ay ku ciyaaraan, waana xaruunta keliya ee agoon lagu xanaaneyn jirey degmada xuddur ee Gobolka Bakool iyadoo dhismeed 2007 ilaa 2011.

Iyadoo meelkale looga soo duulin ayaa la bililiqeystay waxa laga qaatay Albaabadii, Dariishadihii jiingadihii iyo Alwaaxadii ku daboolnaa xitaa masaajidkii ayaa waxba loo reeban waxaana ka muuqda bur bur baahsan sidoo kale ma ahan oo keliya xarumaha dhaca iyo boobka loo geystay kuleejyada ee dhammaan xarumaha danta guud ayaa la boobay taasoo ugu wacnayd dhaxalkii qarankii dumay, sidoo kale waxa ay qeyb ka tahay nidaan la’aanta dalka soomartay.

Xaruntaan ayaa waxa markale dib loo dayactirey 2017 xiligaas oo deegaanka ka dilaacay cudurka shuban biyoodka waxana lagu karan tiilay bukaanadii uu soo ritay shuban biyoodka, hase ahaatee mar labaad ayaa dib loo burburiyey oo dhagxaantii xitaa laga qaatay dhul ahaan cid qabsatay malahan waxa ay ubaahan tahay in dib u dhis lagu sameeyo loogana faa’ideeyo caruurta agoonta ah oo aan haatan heysan daryeelka iyo xaqa ay ku lahaayeen dalkooda.

Dhallinyarada ku nool degmada Xudur ayaa haatan wada sidii loo bedeli lahaa fikirkaan saameynta ku yeeshay Agoontada waxaana socda da daalo ku aadan in markale dadka wax galka ah lagu baraarujiyo in dib loo dhiso xaruntaan xanaanada iyo hoyga u ah Agoonta deegaanka ee garabka u baahan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...