Dadkii ka barakacay Fatahaadii Wabiga Shabeelle ee Afgooye oo cabsi horleh ay soo wajahday.

Date:

Saacadihii la soo dhaafay waxaa bilaawday cabsi xoogaan usoo wajahay bulshooyinka ku haray degmada afgooye iyo deegaanada kale ee ku hareereysan maadaama biyaha wabiga haatan la dareemayo in kordheen ama xawaare sare ku socdaan kuwaasi oo fatahaaado hore oo ay markale wajahayaan deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa jiro warakale oo sheegay inuu sidoo kale u gudbay deegaanka walaweyn iyo deegaanno hoostago kuwaasi oo haatan ay ka bilaawdeen barakac ay sameynayaan dadka deegaano oo ay hore isku baheysteen daruufooyin kale duwan oo sanadahaan ka jiray maadaama ay hore u wajahayeen dhibaatoyinka ay kala kulmayeen kooxaha argagixisada.

Nabadoon Ibrahim Kuuloow Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadalay radio muqdisho ayaa sheegay in biyaha haatan socdo ay sidoo kale ku jiraan bahalo iyagoo dhawaan gabar yar ku cunay yaxaas waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa inay ka dhashaan cuduro maadaama adeegyadii caafimaadka guud ahaan ay biyaha qaadeen biyaha.

“Waxaan ka cabsi qabnaa inay ka dhashaan cuduro ka dib markii dhammaan adeegyadii caafimaadka ay biyaha qaadeen waana dhibaayin nagu soo foodleh hase ahaatee waxaana u baahnahay in nagala soo gaaro ayuu yiri nabadoon Ibraahim Kuuloow.

Inta badan xaafadaha ay ka koobantahay Degmada Afgooye ayaa laga barakacay kaddib markii ay saameeyeen fatahaadaha wabiga shabeellle waxaana socda gurmad ay sameeynayaan dowlad goboleedka Koofur galbeed ,maamulka Gobolka iyo kan degmada oo wada qeylo dhaan iyo gurmad si wax looga qabto xaalada cakin ee ka taagan gobolka Shabeellha Hoose.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa iyane dhankeeda ku biirtay gurmadka dadka ka barakacay Afgoyee iyadoo lacag dhan 500,000 ama nus milyan ugu deeqday dadkaasi u baahanyahay gurmadka deg deg ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...