Guddoomiyaha Waxbarshada Ceel-Berde Oo Codsaday in La Bilaabo Dhismaha Xarunta Dugsiga Sare Ceel-Berde “Sawirro”

Date:

Guddoomiyaha Dhinaca Waxbarashada Degmada Ceel-Berde mudane Maxamed Sh. Xuseen Xaaji Cumar ayaa sheegay in baahi deg deg ah loo qabo in ay ardayda soo dhammeysatay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe ee Ceel-Berde deg-deg loogu helo goob ay ku qaataan Waxbarashada Heerka Dugsiga sare maadaama Dhismihii Dugsiga Sare ee magaalada yahay mid burburay 30-sano kahor.

Maxamed Sh.Xuseen Xaaji oo la soo xiriiray Warqabadka News-room-ka Warbaahinta Qaranka isagoo jooga Ceel-Berde ee Gobalka Bakool ee Dowlad Goballeedka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sidoo kale ugu mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo si wadajir ah xil iskaga saaray dhagax dhigga dhismaha xarunta dugsiga oo aan weli si rasmi ah howsheeda loo billaaban weli.

Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Ceel-Berde ayaa ka codsaday madaxda iyo mas’uuliyiinta aanan looga maarmin arrintan ay ku dadaalaan ka warqabka baahida loo qabo helitaanka Xarunta Dugsiga Sare ee Ceel-Berde si looga maarmo in ay ardayda dhammeysatay Waxbarashada Heerka Dugsiga Dhexe ay u aadaan magaalooyin kale si ay ugu soo qaataan Waxbarashada Dugsiga Sare, iyadoo in ta badan qoysaska aanan ka bixi karin ay caruurtooda ay waxbarashadoodu ku ekaato heerka Dugsiga Dhexe keliya.

Hadalka Maxamed Sh.Xuseen Xaaji Cumar, Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Ceel-Berde ayaa ku soo beegmay xilli ay ardayda Fasallada 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee magaalooyinka Dowlad Goballeedyada dalka kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goballeedyada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...