Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Oo Qalabka Ka Hortago Covid-19 Gaarsiisay Magaalada Cadaado+Sawirro

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka Covid-19 gaarsiisay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Agabkaan oo ka koobnaa guud ahaan qalabka nadaafada sida maaska afka lagu xerto,gacmo gashi,dareeraha gacmaha lagu dhaqdo,joodariyaal iyo kuwa kale oo muhiim ah daryeelka dadka uu soo rito xanuumka Covid19 ayaa waxaa loogu talagalay bulshada ku nool degmada Cadaado iyo deegaannada ku agdhow.

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa waxaa ay agabkaan ka heshay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa xafiiska midowga Yururb ee Soomaaliya.

Masuuliyiinta maamulka degmada Cadaado oo la wareegay qalabka ayaa ka warbixiyay baahida ay u qabeen maadaama ay ka mid tahay meelaha uu sida xooggan usaameeyay cudurka Karoona Feyrsuka.

“Waa mid ka mid baahiyaha aan qabnay inaan helno agabkaan maxaa yeelay waayahaan waxaa sii kordhayay tirada dadka uu soo ridanayo cudurka, mana aheyn waxa aan awoodno ka maamul ahaan ayuu yiri Madaxa Caafimaadka degmada Cadaado Dr. Cabdi Xasan Cali oo la hadlay warbaahinta.

C/laaahi C/raxmaan Xuseen oo ah Guddoomiyaha Degmada Cadaado ee Gobalka Galguduug ayaa uga mahadceliyay Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowladda Dhexe iyo tan Gamudug doorka ay ka qaadanayaan la dagaalanka cudurka iyo xakameynta sida uu bulshada usaameeyay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...