Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Oo Qalabka Ka Hortago Covid-19 Gaarsiisay Magaalada Cadaado+Sawirro

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka Covid-19 gaarsiisay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Agabkaan oo ka koobnaa guud ahaan qalabka nadaafada sida maaska afka lagu xerto,gacmo gashi,dareeraha gacmaha lagu dhaqdo,joodariyaal iyo kuwa kale oo muhiim ah daryeelka dadka uu soo rito xanuumka Covid19 ayaa waxaa loogu talagalay bulshada ku nool degmada Cadaado iyo deegaannada ku agdhow.

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa waxaa ay agabkaan ka heshay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa xafiiska midowga Yururb ee Soomaaliya.

Masuuliyiinta maamulka degmada Cadaado oo la wareegay qalabka ayaa ka warbixiyay baahida ay u qabeen maadaama ay ka mid tahay meelaha uu sida xooggan usaameeyay cudurka Karoona Feyrsuka.

“Waa mid ka mid baahiyaha aan qabnay inaan helno agabkaan maxaa yeelay waayahaan waxaa sii kordhayay tirada dadka uu soo ridanayo cudurka, mana aheyn waxa aan awoodno ka maamul ahaan ayuu yiri Madaxa Caafimaadka degmada Cadaado Dr. Cabdi Xasan Cali oo la hadlay warbaahinta.

C/laaahi C/raxmaan Xuseen oo ah Guddoomiyaha Degmada Cadaado ee Gobalka Galguduug ayaa uga mahadceliyay Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowladda Dhexe iyo tan Gamudug doorka ay ka qaadanayaan la dagaalanka cudurka iyo xakameynta sida uu bulshada usaameeyay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Meertada 8-aad ee Shirweynaha Biyaha Qaahira

Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda...

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal...