Wasaaradda shaqada DFS oo soo bandhigtay qorshayaasha ugu weyn ee xilligan ay diiradda saarayaan

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo maanta guddoomiyay kullanka bilaha ah ee Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa soo bandhigay qorshayaasha ugu weyn ee xilligan ay diiradda saarayaan.

“Wasaaradda waxaa ka go’aam xoojinta nidaamka maamul ee gudaha oo ku dhisan shaqo wadaag, hadda waxaan diiradda saaraynaa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha gacanta si dhallinyaradeenna ay u noqdaan kuwa xirfado leh, isla markaana waxaan ka gudbi doonaa shaqo la’aanta heysata dhallinyarada.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq.

“Waxaan soo siyaadinay waaxda badqabka iyo caafimaadka oo oggaanaysa jawiga goobaha shaqada ee dalka, Waaxda kale ee shaqo abuurka oo waqtigan ku howlan sidii sahan loogu sameyn lahaa suuqa shaqada ee dalka oo halkaa fursado shaqo loogu heli karo dhallinyarada , halka Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha ay soo bandhigtay isbeddelo horseedi kara hannaan sharciyadeed oo kalsooni leh iyo xiriir xooggan oo dhexmara Wasaaradda iyo xiriiradda Shaqaalaha.” ayuu ku daray.

Wasiirka wuxuu caddeeyay muddo sannad iyo bar ah oo uu xafiiska joogay in lagu guuleystay kumannaan dhallinyaro ah oo fursado shaqo ka helay barnaamijka shaqo abuurka dhallinyarada, kaas oo uu sheegay dhowaan in la ballaarin doono iyo taariikh ahaan in markii u horreysay dowladda ay ku guuleysatay taageerro dhaqaale in la gaarsiiyo muwaadiniinta kuwooda ugu nugul oo hooyooyinka iyo carruurta yaryar ay ugu horreeyaan,iyagoo taageerrada ka helaya barnaamijka Baxnaano ee qaybta ka ah siyaasadda ilaalinta bulshada.

Hannaan bad-qab oo loogu hortagayo fayruska COVID-19 ayuu sidoo kale sheegay in laga hirgalinayo Wasaaradda xilli toddobaadan ay dib ugu laabteen shaqada guud ahaan Shaqaalaha.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee dalka oo dowladda mas’uul uga ah shaqada iyo taageerada bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...