Madaxa Waxbarashada Ceel-Berde Oo Sheegay in Sanadkii 1-aad Dalku Ka Dhaqangelayo Imtixaan Loo Dhanyahay “Dhageyso”

Date:

Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Ceel-Berde mudane, Maxamed Sheekh Xuseen Xaaji Oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qabashada Imtixaankan sanad dugsiyeedka ee Shahaadiga uu ka duwanyahay kuwii hore maxaayeelay waa imtixaan loo dhanyahay oo juhdi iyo dadaal badan ay gelisay wasaaradda Waxbarashada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Heer maamul Gobaleed, si dalka looga hirgeliyo manhajka loo dhanyahay oo mid ah.

Maxamed Sheekh Xuseen ayaa sheegay in ay todobaadyada soo socda ay ka sugayaan Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed in ay u gudbiso imtixaanka si ay ardayda degmada Ceelberde ugu fadhiistaan imtixaanka.

Degmada Ceelberde ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobalka Bakool ee Ismaamul Gobaleedka Koonfur Galbeed halkaasi Waxaa dhowaan Booqday Wasiirka Waxbarashada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Casiis Goodax Bare oo halkaasi Soo dhagax dhigay dhismihii ugu horreeyay ee Xarun Dugsi sare oo ay degmadu baahi weyn u qabtay.

SI AAD UGA BOGATO DHAGEYSO WAREYSIGA KU DHUFO LINK-GAN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...