Wasiirka Warfaafinta Oo Soo Kormeeray Goobaha Is-xilqaan Lagu dhisay

Date:

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ahna Guddiga Qaban-qaabada Xuska 60-Guurada Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

ayaa maanta Kormeeray Madxafka qaranka, Maktabadda iyo Golaha Murtida Madadaalada, Wasiirka oo ay Ku wehliyeen Kormeerkiisa xubno ka tirsan Guddiga Qaban-qaabada Xuska 60-Guurada Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu warbixin ka dhageystay howl-wadeenada ka howlgala goobihii uu booqday ayaa waxa ay qeyb ka ahayd inuu u kuurgalo sida ay u socdaan howlaha dhismaha iyo dayactirka xarumaha la dhisay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn u gashay sidii ay u dayactiri lahayd dhismayaashii muhiim adeegyada bulshada Soomaaliyeed sida Maktabadda, Tiyaatarka, xarunta Madxafka Qaranka, xaruntii hore ee xisbiga iyo Garoonka Kubadda cagta ee Muqdisho Stadium kuwaasi gebi ahaanba si buuxda loo dayactiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Qurba-joogta Soomaalida oo si wayn uga soo dhex muuqanaysa siyaasadaha Caalamka

Soomaalidii hore ee ku nooleed qurbaha waxay diirada saari...

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...