Senator Naciimo Oo Soo Dhoweysay Qoondada Haweenka Ee Baarlamaanka Meelmariyay

Date:

Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siisay Radio Muqdisho ayaa si diiran u soo dhoweysay qoondada haweenka ee uu meelmariyay Golaha Shacabka ka dib markii uu maalmo ka doodayay sidii xeerkaasi lagu meelmarin lahaa.

“Qoondada haweenka 30% aad ayaan ugu faraxsanahay, waa wax muddo dheer loo soo dagaalmayay oo runtii gabdhihii naga horeeyay ee bulshada rayidka, dad badan ay waqti u soo geliyeen annaga naftirkeena sidaas kuraasta ku helnay”. Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf ayaa sidaasi tiri.

“Laakiin waxaa la rabaa in la ogaado kuraasta aan ku fadhinaa waxaa iska leh beelo Soomaaliyeed, dhaqanka Soomaaliyeedna runtii waa dhaqan marwalba culeysku ah gabdhaha waan ku faraxsanahay in nala siiyo qoondada” ayay hadalkeeda raacisay Senator Naciimo.

Senator Naciimo ayaa hoosta ka xariiqday in haweenku ay juhdi ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen qoondada boqolkiiba sodon iyadoo ugu baaqday dadka ama beelaha uu ku maqan yahay saamigaasi looga baahan yahay in xagooda laga helo.

“Waxaa ay sheegtay in ay iyada qabto fekerka ah in la siiyo haweenka qoondada 30% haweenka oo kuraasta marwalba loo hormariyo gabdhaha kadib reerkii gabdhihii soo baxo ay kuwa ka le ku qasbanaadaan ayna la sii tarmaaan si ay u helaan 40% ama 50%” ayay tiri Senator Naciimo Ibraahim

Ansaxinta Qoondada haweenka ayaa micnaheedu yahay in kuraasta golaha ay haweenku kuleeyihiin ay Hadda wixii ka dambeeya u tartami doonaan keliya haween gaar ahaan Baarlamaanka 11-aad ee soo socda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...