Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidanka Qalabka Sida

Date:

Kulankan oo looga hadlay u diyaar-garowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugidda ammaanka ayaa dhexmaray Guddiga Qaban-qaabada 60-sano guurada Xorriyadda Soomaaliya iyo saraakhiisha ciidamada qalabka sida shirkan oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS mudane, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Kulanka oo Saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayay guddiga Xuska maalmaha xoriyaddu la yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka ee Qaranka oo uu ugu horeeyo taliyaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Mudane, Odawaa Yuusuf Raage, waxaa kale oo goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdraxmaan Aadan, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed, saraakiil ka socday Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay Adkeynta Ammaanka Caasimadda inta lagu guda jiro todobaadka Xorriyadda iyo sidii looga gaashaaman lahaa falalka argagixiso ee cadawgu umaleeyagaan ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka oo inta uu socday ay masuuliyiinta muujiyeen muhiimada ay leedahay in masuuliyadd layska saaro goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto maamuska ayaamaha Xorriyadda JFS.

Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garowday Xuska Todobaadka Xorriyadda 60-sano guuradii ka soo wareegatay markii layska tuuray heeryadii gumeystaha oo  ka bilaabanaysa 26 bisha Juun maalintii ay Gobollada Waqooyiga xoriyadda ka qaateen gumeystihii kuna eg 1-dii Luuliyo oo ah maalinta Xornimada Goboladda Koofureed iyo Maalintii ay midooben Gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya halkaas oo lagu aas aasay dowladii ugu horeeysay ee gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...