Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo Shirkii Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland

Date:

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Al-Cuseymiin ayaa boogaadiyay Shirkii Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland, isaga oo sheegay in ay horseeday heshiis dhexmaray labada dhinac oo suurtagaliyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo sii amba qaada wadahadalada isla markaasna dabagal ku sameeya qodobbada muhiimka ah ee wali harsan.

Dr. Alcuseymiin ayaa soo dhaweeyay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la xalliyo arrinta Soomaaliland, waxa uuna sheegay in ay qeyb muhiim ah ka qaadanayso kor u qaadista nabadda iyo horumarka Gobolka.

Sidoo kale, waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle martigalinta wadahadalladan, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Carabta Dr. Mishcal Al-suleymi ayaa ku dhiirri geliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya in ay sii amba qaadaan wadahadallada dhab u heshiisiinta oo horseedaya horumarka iyo dib u kabashada Soomaaliya.

Dr.Mishcal ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dalalka Jaamacadda Carabta in ay gacan ka geystaan xasillonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...