Diyaaraddii 6-aad Oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dalka Ku Soo Noqday “Sawirro”

Date:

Diyaaradda Daallo oo sida 139 Mawaadiniin Soomaali ah oo muddo ku xayirnaa magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mawaadinidiin maanta diyaaraddu keentay waxa ay isugu jireen 29 rag ah, 77 dumar ah iyo 33 carruur ah, kuwaasi oo waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xiray ee COVID-19, waxaana dalkaasi ku haystay dhibaatooyin kala duwan.

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa oo ka duulaysa dhibka haystay mawaadiniinta ayaa amray soo daad gureynta muwaadiniinta oo u badan kuwa nugul.

Diyaaraddan ayaa ah tii lixaad oo muwaadin Soomaaliyeed ka keenta dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana dadka dib loogu soo celiyay dalkooda ay aad uga mahadceliyeen kaalinta dowladdu ay ka qaadatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...