Saxafiyiin Tababar Loogu Qabtay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Ugu yaraan 30 Wariye oo ka howlgala magaalada Gaalkacyo ayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug maanta waxa ay u furtay siminaar ku saabsan Fahamka Federaalka, kaas oo hal maalin socday.

Wasiirka Warfaafinta GalMudug, Axmed Shire Falagle, oo xiritaanka siminaarka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka loo qabtay tababarkan ay tahay sidii bahda saxaafadda u heli lahaayeen faham dhab ah oo ku aadan hanaanka federaalka oo dalku qaatay.

Sidoo kale, munaasabadda xiritaanka siminaarka waxaa ka qeyb galay wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Jaamac, Hadallo ay ka jeediyeen madasha waxa ay ku boorriyeen in saxafiyiinta ay noqdaan kuwa ka shaqeeya wanaagga iyo horumarka dalka guud ahaantiis.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...