Lafta-Gareen Oo Xudur Ku Booqday Ciidamadii Ku Dhaawacmay La Dagaalanka Argagaxisada ‘Sawirro’

Date:

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed mudane C/casiis Xasan Maxamed “lafta gareen” iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii 2-aad ku sugan Degmada Xuddur ee Gobalka Bakool ayaa maanta booqday askartii u dhaawacantay difaaca dalkooda, xilli ay weli ku jiraan Cisbitaalka Xuddur iyadoo uu madaxweynuhu uu gaarsiiyay deeq lacageed si loo dhiirigeliyo askarta si ay u difaacaan dalka.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sidoo kale bogaadiyay askarta inay yihiin laf dhabarka uu leeyahay dalka isla markaana haatan ay ciidamadqa xoogga dalka ay ku socoto daib habeyn xooggan hadii ay ahaan laheyd in la qalabeeyo iyo in xuquuqdooda loo dhammeystiro.

“Ciidamada Qalabka sida waxaan dooneynaa inaan dib u qalabeyn ku sameeyno maxaa yeelay dalkaan dadkii hanaan lahaa guud ahaan Amniga waa iyaga waxaana dhameystiri doonaan xuquuqaha ay leeyihiin inagoo uga mahadcelineyno sida ay ugutaan waajibaadka loo ekmaday”ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta –gareen).

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray xaruun cusub ee laga hirgeliyey suuqa xoolaha ee degmada xuddur, sidoo kale isaga iyo wafdigiisa waxaa ay kormeer ku tageen dhismooyin kuyaala gudaha xarunta.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-Gareen) ayaa bogaadiyey hirgelinta mashaariicda hormarineed oo laga hirgalinayo degmada Xudur kuwaasi oo dhaxal gal u ah magaalada waxaana sidoo kale uu ugu baaqay hay’addaha ka howlgala inay wax ka qabtaan baahiyaha kale ee ka jira deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...