Wasiir Sabriye Oo Ka Codsaday Barlamaanka Ansixinta Sharciga Axsaabta

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo Dib u Hishiisiinta ee Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in golaha uu dedejiyo ansixinta sharcigan oo muhiim u ah doorashooyinka la filayo in ay dhowaan ka dhacaan dalka.

Wasiirka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay inay dib u-eegis ku saameeyeen nidaamkii dawaan galinta xisbiyada ku meel gaarka gaar ahaan nidaamka iyo sharuudaha laga raba xisbiyada sida diwaan galinta iyo sharciyo kale oo muhiim ah axsaabta.

“Waxaan ku sameeynay dib u-eegis dhammaan nidaamka xisbiyadii lagu diwaangeliyay si KMG ah si aan u hubino shuruudaha laga rabo xisbiyada hase ahaatee waxaan ka codsanayaa golaha in si deg-deg ah u ansixiyaan maadaama ay arrimaha doorashooyinka ay muhiim u yihiin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii May ee sanadkii 2019 Golaha Shacabka ee Barlamaanka horgeysay sharciga xisbiyada dalka. kaasi oo lagu sameeyay wax ka bedel iyo kaabis si loo hubiyo in ay buuxiyeen sharuudaha nidaamka xisbiyadda.

Barlamaankii 9-aad ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 27-Juun sanadkii 2016 ansixiyay sharciga xisbiyadda siyaasadda dalka kaasi oo haatan laf dhabar u ah Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 20120/2021

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...