Dowladda Federaalka Oo Shaacisay In Dib Loo Furayo Duulimaadyada Gudaha Horaanta Todobaadka Xiga

Date:

28-kii bishii Maarso ee sanadkan 2020 ayay aheyd markii la hakiyay diyaaraha isaga kala goosha gudaha dalka si looga hortago faafidda cudurka safmarka ah ee COVID-19. waxaana kulan ay maanta isugu yimaadeen Wasiiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Aadan Isaaq, madax ka socotay Xafiiska Madaxweynaha, ururka diyaaradaha iyo sidoo kale Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay in dib loo furi doono duulimaadyada gudaha dalka iyadoo la ilaalinaya sharuucda caafimaadka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inay sameeyeen shuruuc lagu hagayo dadka safrayo si loo adkeeyo dadaalada lagu xakameynayo cudurka Karoona.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka  Axmed Macalin Xasan iyo Xasan Xaashi  Muxumed guddoomiyaha Guddiga adeegga diyaaradaha ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dib u furista duulimaadyada dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Aadan Isaaq ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarisay fariimo wacyigelin ah oo looga digayo qatarta cudurka COVID-19 dhawaana ay ku wareejin doonaan maamulka garoonka diyaaradaha si bulshada ay ula socdaan fariimahaas.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa shaaciyay in bilawga todobaadka soo socdo dib loo furi doono duuliyaadyada gudaha.

Dhinaca kale Wasiirka Gadiidka iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa kormeeray sida loo dhaqan galiyay sharuucda lagu hagayo dadka safrayo laga bilaabo hoolka Sahal oo ah halka marka ugu hore uu ka bilaabanayo safarka, gelista garoonka iyo sidoo kale ka bixintaanka, iyadoo ay marayaan ilaa shan baaritaan.waxaana sidoo kale la isku raacay in maalintii ay bixi karaan shan diyaaradood oo aadaya shanta maamul goboleedka taasi oo ay isku raaceen Wasaaradda, Hay’adda Duulista Rayidka, maamulka garoonka iyo ururada diyaaradaha matalayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...