Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dibadda Ku Xanibnaa Oo Ay Dowladda Soomaaliya U Fududeysay Imaatinkooda Dalka +sawirro

Date:

Diyaaradda Daallo ayaa maanta markii shanaad keentay muwaadiniin ku xayirnaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya kuwaa oo ka koobnaa 15 Haween ah, 6 caruur iyo sidoo kale 54 rag ah oo u badnaa dhalinyaro taasi oo tirada maanta la keenay ka dhigtay 75 ruux halka sidoo kale ay la soceen 50 muwaadin oo aanan aheyd dad tarxiil ah marka laysku geeyo guud ahaan waana 125 ruux.
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka dibaddiisa ayaa waxa ay dalalka Turkiga,Kenya,iyo Sacuudiga ka keentay muwaadiniin ku xanibnaa waxaana ay ka dambeysay ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi farmaajo uu amray in guud ahaan dadka ku xayiran wadamada caalamka dalka dib loogu soo celiyo.
Tan iyo markii uu cudurka safmarka ee Covid-19 oo dunida ku faafay waxaa hakad galay dhammaan isku socodka dunida waxaana ilaa iyo hada ay tirada muwaadiniinta ay dowladda dalka keentay ay gaartay 581.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...