Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan-gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 26 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 27-ka kale ay yihiin haween.

34 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir, Somaliland, 18 iyo Jubbaland 5 qof.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,146 waxaa bogsootay guud ahaan 406 ruux. Halka 79 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakameynta Karoona.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...