Madaxweynaha Galmudug Oo Shaaciyey In Ay Deegaannada Galmudug Hub Aruurin Ka Sameynayaan.

Date:

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan uu ku bixin doono sidii Maleeshiyaadka tira badan looga qaadi lahaa hubka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay doonayaan in ay mideeyaan Awoodda maamulka Galmudug, islamarkaana Maleeshiyaad beeleedyadda loo badali doono Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska maamulka Galmudug.

“Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Dhinaca kalana waxa uu shaaca ka qaaday in qorshahaan hubka dhigista uu sii soconayo,si galmudug nabadeedu u xoogeysato.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu wareejiyay Maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen isaga oo shaaciyay in kuwa kalana sidaas oo kale loogu wareejin doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...