Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Date:

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadka Wasaaradda iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu horumarinayo waaxda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirrada kalluumeysiga ee dowlad-goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari, iyo sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha kalluumeysiga ee dowlad-goboleedyada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay doodaha iyo qorsheyaasha la soo bandhigay.

Wasiirka ayaa shirka ku soo bandhigay mashaariic waaweyn oo ay Wasaaraddu waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin mashruuca Badmaal 2026 iyo mashruuca FIMS (Xog-ururinta Kalluumeysiga) oo ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda iyo hay’adda FAO. Labadan mashruuc ayaa saldhig u ah qorsheynta iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa shaaciyay heshiis muhiim ah oo dhexmaray Wasaaradda iyo shirkadda OYAK, kaas oo lagu aasaasay shirkad wadajir ah oo lagu magacaabo SOMTURK. Shirkaddan ayaa diiradda saari doonta maalgashiga iyo horumarinta kalluumeysiga dalka, iyadoo la qorsheynayo in la keeno ilaa 40 markab oo kalluumeysi si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo dakhliga laga helo kheyraadka badda.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale si qoto dheer looga dooday sidii loo dardargelin lahaa horumar waara oo lagu sameeyo waaxda kalluumeysiga, loona hubin lahaa in bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah uga faa’iideysato kheyraadka hodanka ah ee badda.

Gabagabadii shirka, waxaa la isku raacay in la soo saaro warsaxaafadeed rasmi ah oo lagu faahfaahinayo qodobadii la isku afgartay iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo horumarka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...