Xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose Oo Laga Dhagax Dhigay Marko+Sawirro

Date:

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana isaga iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay maamulka gobolka shabeelaha hoose iyo kan degmada Marko.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Abuukar Cabdi ayaa warbixin ka dhageystay maamulka gobolka xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada,sida dhinacyada Amniga, Caafimaadka iyo waxbarshada.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada Marko laga dhagax dhigay xarunta uu ku shaqeyn doono Maamulka gobolka shabeellah Hoose taasi oo in muddo ah laga soo shaqeynayay in heerkaan dhagax dhiga ay soo gaarto, waxaana sidoo kale qeyb-ka ahaa Senotar Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha aqalka sare lagana soo doortay gobolka shabeella hoose.

Xaruntaan waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay guddoomiyaha Degmada Marka Cabdulaahi Cali Maxamed Waafoow, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax , Senator Xuseen Cali Xaaji iyo Wasiirka arrimaha gudaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi.

Dhismaha xaruntaan uu ku shaqeyn doono maamulka gobolka shabeellaha hoos ee magaalada marko ayaa noqoneyso mid loogu talagalay in lagu fududeeyo adeegyada bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...