Taliyaha Xoogga Oo Kormeeray Xerada Gaaska 11-Aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka+Sawirro

Date:

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo Cabuudwaaq Ku sugan ayaa kormeer Ku tagay Xerada Gaaska 11-aad ee Guutada 35-aad  ee ciidanka xoogga dalka oo ka mid ah Xeryihii Ilaalinta Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan dib u habeyn lagu wado si markale ay kaga mid noqoto xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka .

Kormeerkaan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee ciidanka xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad.

Xeradan oo dhismeheedu meel dhexe marayo ayuu Taliyaha Xoogga Ku amaaney saraakiisha Qaybta 21-aad iyo dadka reer Caabudwaaq juhdiga ay galiyeen dib u qaabeynteeda oo taliyuhu ku tilmaamey in ay faa’iido badan u yeelan doonto dib u dhiska Ciidanka Xoogga.

“Waxaan ku bogaadinayaa saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 21 iyo guud ahaan shacab weynaha cabud-waaq sida ay isugu xilqaameen dib udhiskaan xaruntaan oo ah mid ahmiyad balaaran ugu fadhisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay ku taallo xadka dalkeynu uu la wadaago wadanka itoobiya “Ayuu yiri taliyaha xoogga Generaal Odowaa yuusuf Raage.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...