Guterres: “Hoos U dhac Horumar Darteed, Afrika Taageero Ayay Dunida Uga Baahanyahay” “Sawirro”

Date:

Saameeynta COVID-19 ee Afrika oo ay dalalka qaaradda si dhaqso leh kaga jawaabeen dhibaatada Cudurkaana ayaa waxaa haatan lagu soo waramayaa in uu jiro hoos u dhac ku yimid tirada dadka uu covid-19 soo ritay halka in ka badan 2,500 oo qof ay cudurkani u dhinteen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteres ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshayaasha iyo howlaha hay’adaha caafimaadka, Sahayda Gargaarka, Tahortagga mashaakilaadka lacag la’aanta, Taageero Waxbarashada, Shaqo Abuurista, Wax kaqabashada ganacsiga sii sabeeynaya iyo in la dejiyo hoos u dhaca xaaladaha dhakhliga ka soo xaroon jiray waxyaabaha dibadaha loo dhoofiyo oo hoos u sii dhacay.”

Mr. Guterres ayaa sheegay in qaaradda Afrika ay u baahan tahay in ay ka hadasho burburka ku yimid dhaqaalaha iyo cawaaqibyada ay wajahayso bulshada kaasi oo ka yimid kadib markii uu shaac baxay coronavirus.

Hadaba, si waxyaabahaasi loo suurrogeliyo waxaa loo baahan yahay in ka badan $200 bilyan oo doolar, in lagaga gudbo amaahda lacageed ee lagu leeyahay wadamada Afrikaanka ah taasi oo ah arin weli taagan.

Dhaqaalaha Qaaradda Afrika ayaa sanadihii dhowaa ahaa mid si xoog leh u sii kordhaysay iyadoo uu jiray heshiis laga gaaray ganacsiga xorta ah ee qaaradda, waxaa sidoo kale Meesha ka baxay dalabaadka badeecadaha Afrika ee loo iibgeyn jiray dalalka dunida, Sidoo kale Dalxiiskii iyo xawaaladihii ganacsiga ayaa gebi ahaanba istaagay.

Qaaradda Afrika ayaa wajahaysa xaalado halis ah oo laga cabsi qabo in cudurka halista ah ee Covid-19 uu gebi ahaanba baabi’iyo dhaqaalaha iyo horumarka tiro dad lagu qiyaasay malaayiin ruux  ee ku kala nool dalalka saboolka ah ee Afrika islamarkaana malaayiin  qof ay wajahaan saboolnimo xad dhaaf ah.

Cudurka Caronavirus ayaa gaaray 89,000 xaaladood iyo 2,848 dhimasho, sida laga soo xigtay xarumaha xakameynta iyo la socodka cudurka ee loo soo gaabiyo (CDC).

Haddii aanan la qaadan tallaabooyin ku filan kahortagga iyo xakameynta coronavirus waxaa suurtagal ah in 190,000 oo qof ay u dhintaan cudurka sanadka ugu horeeya ee uu cudurkan uu ku dhaco 26% iyadoo in lagu qiyaasay 1 bilyan oo Afrikaan ihi uu ku dhacayo cudurkan COVID-19, sida ay sheegtay hay’adda C/fimaadka Adduunka ee WHO.

Dadyowga Qaaradda Afrika ayaa bilowgiiba dareemay xanuunka iyo jahawareerka uu cudurkan sababta uu unoqday sida shaqo la’aanta, cunno yarida iyo iyadoo caruur badan aysan helin talaalka iyo cunnadii ay ka heli jireen iskuulada maadaama gebi ahaanba la xiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...