Tartamayaasha Warta Nabadda Oo Xalay Kaalinta 3-aad Ku Guuleysatay

Date:

Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan Oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso warbaahinta qaranka ayaa kulankiisa 30-aad waxa xalay ku tartamay kaalinta 3-aad ee Degmooyinka Warta Nabadda iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Goballada Banaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii  7-aad oo xiriir ah ay taaba gelineyso maamulka Gobalka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda Vs Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Warta Nabadda: -Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay dhigooda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Afar iyo toban (14) dhibcood.

Garbahaareey: – Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay Warta Nabada, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda ayaa caawa ku guuleystay inay galaan kaalinta 3-aad ee tartanka.

Caawa haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 31-aad ee tartanka, waxaa kulanka kama dambeyska ah (Final-ka) ku tartami doona degmooyinka Dharkeynley Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Goballada Banaadir iyo Baay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...