Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday in ay dib usoo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwaasoo muddo bil ah ku xayirnaa dibadaha iyagoo doonayay in dalka ku soo noqdaan arintani ayaa waxaa fududeysay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku baaqday in dadka ay dib ugu soo laabtaan dalka islamarkaana ay u hogaansamaan tilmaamaha sharciga ee Kahortagga Cudurka Karoona.

Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay in ku dhowaad 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalalka deriska sida dalka Kenya oo kale kuwaasoo si nabadgelyo leh ku soo gaaray garoonka caalamiga ee Aadan Cabdulle iyo magaalada Garowe ee Puntland.

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bad-qabkooda caafimaad gaar ahaan feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 1,594 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 204 ruux oo bogsatay iyo 61 ruux oo u geeriyootay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...