Taliyaha Xoogga Oo Kormeeray Dugsiga Tababarka Ee Har-Qaboobe ‘Sawirro’

Date:

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa komeeray ciidamo tababar uu uga socday dugsiga tababarka ee Har-qaboobe ee degmada Guriceel tababarkani oo qeyb ka ah la dagaalanka  dhanka ah kooxaha argagixisa Al-shabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbixin ku saabsan xaaladahooda ka dhageysay saraakiisha dugsiga, sida taliyaha qeybta 21-aad Generaalka Qooje ,Taliye ku xigeenka qeybta iyo taliyaha dugsiga Har-qaboobe iyagoo tilmaamay in lagu guuleystay ka soo gudbida marxalado adag oo ciidankan lagu diyaarinayay isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin qabshada waajibkaadka la saaray.

Taliyaha ciidanka  xoogga Generaal  Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada Dugsiga ku jira iyo saraakiishoodaba Ku ammaaney dhabar adayga ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarka isagoo ballanqaaday in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda Ciidan iyo waalibaadka ka saaran ilaalinta shacabkooda .

“Dhammaan hogaanada, saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka ku jiraan xeradaan Har-qaboobe waxaan leeyahay waxaad muujisay karti iyo awood sidaa daraadeed waxaan balan qaadeynaa inaan idin qalabeyn doono si aan cadawga ummadda aan uga dulqaadno”Ayuu yiri taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...