Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Toddobaadka La Dagaalanka Covid-19+Sawirro

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Wacyigalinta Covid-19 ahna Wasiirka Wafaafin dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee ciribtirka Cudurka Karoona si dalka oo dhan loo gala dagaalamo .

“Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed”Ayuu yiri wasiir Maareeye

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan Guddiga wacyigalinta Basmo Caamir Shakeeti ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan covid-19.

“Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Caasimada waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee karoona Feyrus, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”sidaas waxaa yiri Basmo Caamir Shakeeti.

Dhinaca kale masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinayay qatarta uu leeyahay Cudurkaan islamarkaana uqeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafitaanka cudurkan safmarka ah ee covid-19.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka cudurkaan .

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurka covid-19 ee saameynta uu ku hayo dalka dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii ay uga hortagi lahayd “Ayuu ku yiri Maareeye.

Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Karoona ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...