Dowladda Soomaaliya Oo Agab Loogu Talo galay Ka hortagga Covid-19-ka Guddoontay Dowladda Qatar “Sawirro”

Date:

Diyaarad ciidan oo ay leedahay dowladda Qatar islamarkaana siday qalabka looga hortago faafitaanka cudurka COVID 19 ayaa galabta soo cago dhigatay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana deeqdaasi la wareegtay Wasiirka Wasaaradda C/fimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziyo Abuukar Nuur.

Munaasabadda agabka lagula wareegayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiirka caafimaadka iyo saraakiil ka socotay Safaaradda Qatar ee Muqdisho.

Fowziyo Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo la wareegtay deeqda ayaa dowladda Qatar uga mahadcelisay kaalmadan oo ay tilmaantay in ay ku soo beegantay waqtigii loo baahnaa.

Deeqdan ka timid dowladda Qatar ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka Caronavirus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...