Xuska 15-Ka May Oo Lagu Qabtay, Jowhar & Meelo Kale Oo Dalka Ah. “Sawirro”

Date:

Munaaasabad lagu maamuusayay sannad-guurada 77-aad ee aas-aaskii Ururka (SYL) ee horseeday xornimada dalka iyo 13-kii dhallinyaro ee galay taariikhda Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/Dhexe.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada gobalka Sh/Dhexe ayaa lagu bogaadiyay kaalinta dhalinyarada looga baahan yahay in ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dhammeystirka Dowladnimada.

Dadkii Madasha ka hadlay ayaa ka sheekeeyay doorka ay Dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka dalka siiba xilliga adag ee uu marayo dalka.

15-ka may waa maalin si weyn loogu dabaal-dego waana xus u gaar ah dhallinyarada Soomaaliyeed waxaana munaasabado lagu maamuusayo maanta oo kale ee 15-ka May lagu qabtaa gudaha dalka.

Xuska 15-May oo maanta si yaabo kala duwan loogu xusay magaalooyin kala duwan oo ay caasimadda ka mid tahay ayaa waxaa ka soo wareegatay 77-sano xilligaasi oo ku beegan waqtigii la aas-aasay ururkii SyL sanadkii 1943-dii, SYL oo ka koobnaa 13 dhalinyaro oo loogu magacdaray Halganka Gumeysi la dirirka Dalka.

Dalka Soomaaliya ayaa Soo maray waqtiyo aad u adag kahor inta uu san xornimada si halgan ah kaga qaadan dalalkii gumeysan jiray ee sida Talyaaniga ee Koonfurta iyo Engiriiska oo Gumeystay shanta gobal ee waqooyi Galbeed.

Kahor SYL waxaa ay shacabka Soomaaliyeed wajaheen waqtiyo aad u adag oo ay dagaalo kala hortageen gumeysi mideysan oo ka soo horjeeday jiritaanka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed kuwaasoo qaarkood damacsanaa in gebi ahaanba la tirtiro qowmiyad ahaan, waxaana halgankaasi gumeysi diidka ahaa ka hortagay oo dagaalo naf- hurnimo ah kala hortagay shacabka Soomaaliyeed, Shaqsiyaadka naf iyo maalba ku waayay si ay Soomaaliya u hesho xornimo ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan Barsane iyo Geesiyaal badan oo maanta ay maanka ku hayaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay adduunka ka joogto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...