Degmada Warta Nabadda Oo Xalay U Gudubtay Wareegga 3-aad Ee Tartanka Cilimiyeedka “Sawirro”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 23-aad oo ah wareegga 2-aad kulankiisa 8-aad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Xamarweyne Vs Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamarweyne Vs Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac intii uu tartanka socday.

Xamarweyne

Tartameyaasha Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay Warta Nabadda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamarweyne ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xamarweyne, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Su’aalo dheeraad ah ayaa lagu daray, maadaama tartamayaasha labada dhinac ay bar bardhac noqdeen, waxaana afar su’aal oo lagu daray ay Xamarweyne la yimaadeen labo dhibcood, halka Tartamayaasha degmada Warta Nabadda ay saxeen dhankooda isla markaana ay ka faa’iideysteen su’aal kale oo ay iska qaldeen dhanka Xamarweyne, sidaasna waxa ay ku heleen afar dhibcood, taasi oo wadarta guud ka dhigtay 14, halka Xamarweyne ay heleen 12 dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga sideed dhamaadka ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 24-aad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka Dharkeynley Vs Boondheere oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...