Reer Buulo-burde Oo Dhir Beeris Uga Qeyb Galay Dabaaldagga Munaasabadda 15-Ka Bisha May

Date:

Ururka dhalinyarada dagmada buulo-burte Gobalka hiiraan oo kaashanayoย  maamulka dagmada ayaa waxa ay sameeyeen in ay dhir ay ku beeranย  qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada taasi oo lagu xusayo maalinta dhalinyarada ee 15-ka may.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isagu soo baxeen qiimaha maalintaan maadaama ay la dhigi Karin munaasabado waa weyn oo dhalinyaradu isugu yimaadaan iyagoo laga cabsi qabo cudurka caalamka dhibaatada ku haayo ee Covid-19.

โ€œmaanta waa maalin mudan in guud ahaan shacabka iyo dhalinyarada ay isi soo bax saameeyeen si ay u xasuustaan taariiqdii 13 dhalinyaro ee SYl oo ku leeyihiin dalka iyo halgalkii loo soo maray xurnimada aan ku naalooneyno iyo qaranka aan heysano sidaas ayaana isugu soo baxnay iyada uu dalka kala xiranyahayโ€Sidaas waxaa yiri qaar ka mid dhalinyarad oo warbaahinta la hadlay.

Dhalinyaradaan ayaa sidoo kale ku boorriyay in laga wado qeyb-qaato ololaha wacyigalintaย  Cudurka sarfmareenka ah ee Karoona Feyrus waxaana ay bulshada ugu baaqeen in la qaato fariimaha bahda caafimaadka .

15 May1943 โ€“oo laga joogo 77-sano maanta oo kale ayay ku beegantahay aas-aaskaย  ururka dhalinyarada SYL ee kalinta weyn ka qaatay xoriyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...