Danab Oo Weerartay Meel Ay Ku Shirayeen Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab

Date:

Ciidamada Danab ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay weerareen deegaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee Gobalka J/ dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha CXD ayaa intaas ku daray in xiliga ay weerarka qaadayeen uu deegaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab , ayna weerarka qaadeen markii ay xogtaasi heleen.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandooska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdi maalik Maalin ayaa sheegay in ciidanka ay khasaare culus gaarsiiyeen goobtii uu shirku uga socday maleeshiyada Al-shabaab.

G/lle Maalin ayaa xusay in ay dileen 3-sarkaal oo mid ka mid ah uu magaciisa lagu sheegay Abuu Ayman oo lagu soo waramayo inuu ka soo jeedo dalka Maali.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada horjooge ee kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan, isagoo xusay in sidoo kale ay dileen maleeshiyaad fara badan oo goobtaas ilaalo ka ahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...