Beeraleeyda Xudur Oo Dalagii Ay Filayeen Baabaโ€™ay

Date:

Beeraleyda Degmada Xuddur ee Gobalka Bakool ayaa markale dalagooda ku baabaโ€™ay roobab daadad watay oo nawaaxiga magaalada Xudur ka daโ€™ay.

Daadadkaan oo marwalba sanado barwaaqo tahay aafeeya beeraha degmada Xudur gaar ahaan beeraha khudaarta ayaa waxa ay ka yimaadaan roobabka ku daโ€™aย  dhulka taaga ah oo illaa 50-km waqooyi ka xiga magaalada.

Roobka Gu’ga oo daadad la socdeen ayaa si weyn u saameeyey khudaar xilligii jiilaalka la beerey oo bisha ramadaan loogu talo galay in ay soo goโ€™do iyo geedo waa weyn, waxaa ba jira dad sanadkii deyrta ee la soo dhaafey ay khudaartii ay filayeen uu daadku baabi’iyay.

Guddoomiye ย Ku xigeenka degmada Xudur Mustaf Aadan oo ka hadlay ayaa sheegay inuu jiro qorshe ay u dejiyeen si looga baaqsado saameynta daadadka qorshahaasi oo ah mid uu maamulku dejiyay.

Waxa jira toogag waa weyn oo biyo keena magaalada Xudur xilliga uu roob ku daโ€™o meelo ka baxsan magaalada hase ahaatee ma muuqato qorshe biyo xireen loogu sameeyo daadadkaan soo noq-noqday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale