Ra’iisulwasaare Khayre oo Warbixin ka dhageystay Guddi Hoosaadka Ka Hortagga Fatahaadaha

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa Wasaaradda Maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, si looga baajiyo fatahaad ku soo rogmata magaalada.

Ra’iisul wasaaraha oo warbixin faahfaahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la iskugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada.

Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira; Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, arrinkaan ayaa ka dhashay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan.

Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada.

Dowladda Federaalka ah ayaa dhowaan soo bandhigeysa qorshe ballaaran oo xal waara loogu raadinayo fatahaadaha soo laalaabta ee ka dhasha wabiyada iyo roobaka kuwaas oo sannad waliba dhibaata xaddigeedu ballaaranyahay gaarsiiya qaybo badan oo kamid ah dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...