Dhagar-qabe Al-shabaab ah oo doonayay inuu dilo askari oo lagu qabtay Degmada Hodan+Sawirro

Date:

Muqdisho.(SNTV):- Shacab Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsan kooxda argagixisa Al-shaab oo diyay inuu dilo Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Falkaan ayaa ka dhacay waaxda Actober ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Ciidamada amaanka ayaana gacanta ku dhigay dhagar-qabihii .

Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun oo barta uu ku leeyahay Facebok ku qaray arrintaan ayaa shacabka ku dhiirigaliyay howsha wanaagsan oo ay qabteen Maadaama ay fashiyeen dhagarta uu Maleegayay dhagar-qabaha .

“Waa dhaqan ugub ah in Shacabku soo qabtaan haraadiga kooxda cadowga ee argagixisa Al-shabaab ayaana ka mid ahaa qoraalka bartiisa facebook uu soo dhagay Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun”

Muddooyinkaan waxaa sii xoogeysanayay wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amaanka iyadoo la fishilyay dhibaatooyin badan ay kooxaha Cadawga u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed waxaana howsha maanta ay sameeyeen shacabka ay ka dhigantahay sida ay ugu midoobeen ka hortaga iyo gacansiin laamaha amniga si looga hortaga Cadawga qatarta ku ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...