Madaxweyne Farmajo Oo Bogaadiyay Dadaalka Xukuumadda Ee Xakameynta Cudurka Covid-19

Date:

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda in la gaarsiiyey Dowlad Goballeedyada dalka qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalka xooggan ee lagu bixiyey sidii dalalka aan saaxiibada nahay ay inoogu taageeri lahaayeen qalabkan caafimaad, maadaama dalalkaasi laftigoodu ay baahi weyn u qabeen qalabka caafimaad ee ay inoogu deeqeen.

“Xaaladda dunida ka jirta ee uu sababay cudurka COVID-19 waa mid saameyn xooggan ku yeelatay dhinac kasta oo nolasha ah, sidaas darteed dalalka walaalaha ah ee inoo fidiyey gurmadka caafimaad -wakhtigan adag- waa mid aan u xasuusan doonno dowlado iyo hay’adaba.”

Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Guddiga in la kaydiyo xogta iyo khibradda ku aaddan cudurkan si ay u noqoto hage dhaxal gal ah oo qeyb ka noqda hannaanka maareynta musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Isagoo sheegay in la kordhiyo qablabka badqabka adeegayaasha caafimaadka kuwaasi oo u taagan samatabixinta dadka iyo xakameynta cudurka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xogta ku saabsan badqabka caafimaad ee dalka, xaaladda bukaannada ku jira Goobaha Karantiilka iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada wacyigelinta bulshada ee ku aaddan halista cudurka COVID-19.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...