Magaalooyin Ka Mid Ah Dalka Kenya Oo La Geliyay Xaalad Bandow Ah

Date:

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo magaalada Mombasa, waxaa lagu soo rogay xayiraad 15 maalin ah oo ka billaabanaysa caawa oo Arbaco ah.

Wasiirka caafimaadka ee Kenya, Mutahi Kagwe ayaa sheegay in tallaabadaan looga gol leeyahay xakameynta cudurka safmareenka ah ee COVID19.

Dhankiisana, Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji oo ay ku jirto xaafadda Islii, Yuusuf Xasan ayaa si adag uga soo horjeestay go’aanka oo uu ku sheegay mid aan laga fiirsanin.

Islii waa xaafad ay si weyn u degto Soomaalida ku nool magaalada Nairobi, waxaana ku yaalla suuq weyn oo ay maalinkii u soo shaqo tagaan dad ka badan 100-kun oo qof.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus guud ahaan wadanka Kenya ayaa lagu sheegay 500 oo qof, halka xaafadda Islii dadka laga helay ay tahay 65 qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...