Ra’iisul Wasaare Khayre oo guddoomiyay Shirka guddiga qaran ee ka hor tagga Covid-19

Date:

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda  Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay Shirka guddiga qaran ee kahor tagga covid19,kaas oo habeen walba la qabto.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada loogu jiro ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo Gurmadka deegaannada ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha Wabiyada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali  Kheyre ayaa Xubnaha Guddiga oo u badan Golihiisa Wasiirada  ayaa ku amray in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.

Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay wajaheysaa xaalado adag oo ka dhashay Cudurka Coronavirus oo Soomaaliya kiisas badan laga helay iyo fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka Magaalooyinka,Khardho, Baardheere iyo Magaalooyin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...