Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gadiidka leyda Muqidho oo isku raacay iskaashiga ka hortaga Covid-19

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Xarunta gobolka Banaadir kulan kula qaatay ururka iskaashatada gaadiidleyda kaas oo ujeedkiisu ahaa dhaqangalinta awaamiirta la xariirta ka hortago faafitaanka cudurka halista ah ee Coronavirus.

Kulankani oo ay goob jog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo saraakiisha hogaanka Taraafikada ayaa aad looga dooday sida ugu haboon ee loo isticmaali karo gaadiidka BL-KA ama bajaajta waxaana wadatashi kadib lagu heshiiyay in tira yar oo dadweyna ah ay raaci karaa ama ay isticmaali karaan gaadiidka iyadoo la kala fogaanaayo si loo raaco tilmaamaha ka hortaga caabuqa covid-19.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar (Filish) ayaa sheegay in laysku afgartay in la dhiso guddiga isku dhaf ah oo ka shaqey doono sidii layskga kaashan lahaa cudurka halista ah ee Karoona Feyruska.

“Waxaan ku hishiinay inaan dhisno guddiga ay ku mideysan yihiin uruka iskaashatooyinka gadiidka leyda ,Mamaulka Gobolka Banaadir ,Taliska Ciidan Booliska gaar ahaan Ciidmada illaalada wadooyinka ee taraafikada si aan iskaga kaashano Cudurkaan kusii faafaya dalka ee Covid-19 sidaan ku xakeyn laheyn anagaa illaalineyso badqabka bulshada Caasimada”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...