Ciidamada Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay nin miino aasayay+Sawirro

Date:

Muqdisho.(SNTV):- Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen nin Miino aasayay, xilli ciidamadu wadeen howlgal miino baaris ah.

Ciidamada ayaa sheegay intii ay howlgalka ku jireen ay gacanta ku dhigeen nin dhalinyaro ah oo miino ku aasayay wadada soo gasha deegaanka Janaale.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in shaqsiga la soo qabtay ay ku wareejin doonaan Maxkamadda ciidamada, si sharciga loola tiigsado.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in ninkan uu doonayay inuu miinada uu aasayay ku dhibaateeyo shacabka.

Ciidamada Milateriga ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Janaale waxay wadeen howlgalo miino baaris ah, waxaana dhowr jeer lala ciidamadu ay fashiliyeen miino ay aaseen argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...