Galmudug oo xoojineyso Xarumaha ka hortagga Covid-19

Date:

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Gobaleedka Galmudug mudane, Cali daahir Ciid, ayaa booqasho iyo kormeer ku tagay xarunta ka hortaga iyo daaweynta Caabuqa Covid19 ee caasimada dhuusamareeb.

Madaxweyne ku Xigeenka ayaa la kulmay warbixina ka dhageystay Gudiga ka hortaga iyo latacaalida caabuqa Covid19 ee heer maamul gobaleed iyo shaqaalaha caafimadka xarunta Dhuusomareb.

Gudiga ayaa madaxweyne ku xigeenka war bixin ka siiyay howlaha ka hortaga iyo la tacaalida cudurka dilaaga ah ee Covid19 iyo ilaa hada kiisaska la xaqijiyay in aay galmudug ka jiraan.

Mudane Cali Ciid, Gudiga oga mahad celiyay shaqada wanagsan oo aay bulshada Galmudug u hayaan sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Dowlada fadaraalka Soomalia iyo haayadaha caalamiga ah ka codsaday in Galmudug laga cawiyo la taacaalida iyo ka hortaga Caabuqa Covid19.

Waxaa jira dhowr qof oo laga shakiyay oo baaris lagu sameeyay balse wax jawaab rasmi ah aan wali lagachelin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...