Galmudug oo xoojineyso Xarumaha ka hortagga Covid-19

Date:

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Gobaleedka Galmudug mudane, Cali daahir Ciid, ayaa booqasho iyo kormeer ku tagay xarunta ka hortaga iyo daaweynta Caabuqa Covid19 ee caasimada dhuusamareeb.

Madaxweyne ku Xigeenka ayaa la kulmay warbixina ka dhageystay Gudiga ka hortaga iyo latacaalida caabuqa Covid19 ee heer maamul gobaleed iyo shaqaalaha caafimadka xarunta Dhuusomareb.

Gudiga ayaa madaxweyne ku xigeenka war bixin ka siiyay howlaha ka hortaga iyo la tacaalida cudurka dilaaga ah ee Covid19 iyo ilaa hada kiisaska la xaqijiyay in aay galmudug ka jiraan.

Mudane Cali Ciid, Gudiga oga mahad celiyay shaqada wanagsan oo aay bulshada Galmudug u hayaan sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Dowlada fadaraalka Soomalia iyo haayadaha caalamiga ah ka codsaday in Galmudug laga cawiyo la taacaalida iyo ka hortaga Caabuqa Covid19.

Waxaa jira dhowr qof oo laga shakiyay oo baaris lagu sameeyay balse wax jawaab rasmi ah aan wali lagachelin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...